Waa Maxay Kud ama Qanje (Anthrax)?


Waa Maxay cudurka Kudka? Cudurka kudka waxa weye cudur ay sababto nooc ka mid ah bakteeriyada. Wuxuu kugu ridi kara xanuun leh habab badan oo kala duwan, waxay ku xiran tahay sida aad cudurka u qaaday. Wuxuu sababi kara cudurka maqaarka, ama xanuun daran oo ku dhaca dheef shiidka “cunto sumaysan.” Qaab kale ee cudurka lagu qaado waa “ku neefsashada” kudka – wuxuu dhalinaya marka aad bakteeriyada ku neefsatid. Calaamooyinka cudurka sida caadiga ah waxay soo baxayaan todobo maalmood gudahgooda (siiba laba ilaa shan maalmood) marka aad cudurka qaadid ka dib. Calaamooyinka waxay ku xiran yihiin qaabka cudurka loo qaado:

• Cudurka kudka ee (maqaarka) wuxu ku bilaabanaya nabar soo baxay ee maqaarka. Hal ama laba maalmood gudahooda, wuxuu noqonaya nabar biyo galeen, ka dibna wuxuu noqonaya boog aan xanuun lahayn, oo dhexda midab madow ku leh. Qanjirada ku dhow boogta waxay noqonayaan kuwo barara. Cudurka kudka maqaarka waxa si fudud loogu daweyn kara daawada disha jeermiska cudurada bakteeriyada (antibiotics).

• Cudurka kudka ee Mindhiciirka waxa weye mid aad u dhif ah. Wuxuu ku bilowda lallabo, rabitaanka cunada oo kaa luma, matag iyo qandho. Calaamooyinkaas waxa ku xiga calool xanuun, matag dhiig ah, iyo shuban aad u daran. Daawada disha jeermiska cudurka (antibiotics) oo horey loo qaato ayaa muhiim ah haddii aad qabtid cudurka kudka mindhiciirka.

• Cudurka kudka neefsashada wuxuu ku bilabanaya calaamo u-eg hargab (qufac,qandho, xanuun isdab-joog ah oo muruqaha ah). Calaamooyinkan waxay ku dhamaan karaan laba ilaa saddex maalmood, ka dibna ma muuqanayaan hal ilaa laba maalmood. Ka dibna cudurka wuu soo laaban kara, wuxuuna dhalinaya dhibaatooyin daran oo ku dhaca sambabaha, neefsashada oo dhib kugu noqoto, iyo arga-gax. In la daweeyo mooyee, cudurka kudka neefsashada wuxuu noqon kara mid aad u khatar ah – wuxuu yahay mid dilaa ah ilaa boqolkiiba 90 xaaladood. Daaweynta cudurkan sanadkii 2001, qadarka dhimashada waxay ahayd boqolkiiba 40. Bakteeriyada cudurka kudka Sidee uu kugu dhici kara cudurka kudka? Marka bakteeriyada ay ku kooban tahayjirka korkiisa, bakteeriyada cudurka kudka xuub adag oo isku badbaadiyo oo lagu magacaabo spore ayer samaysata. Marka uu samaysto qaabka spore, cudurka kudka waa adag yahay si loo dilo. Waxyaalahan isboorayaasha ah sida dabaiiciga ah waxay ku jiraan ciida, halkaas ay ku noolaan karaan sanooyin badan. Xoolaha sida lo’da, idaha, fardaha iyo riyaha waa ku dhici karaa cudurka haddii la xiriiraan ciid ku jirta cudurka kudka. Dadka waxay ka qaadi karaan cudurka kudka xoolo qaba cudurka, ayagoo ka qaadanayaan haraga suufka ah iyo waxyaabo kale ee ka soo baxa xoolaha qaba cudurka, ama ayaga oo cuna hilibka xoolaha qaba cudurka. Sida caadada ah arrimahan cudurka kudka dadka ku dhaco aad buu dhif u yahay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *